Xog ku
saabsan tacaddiyo waaweyn oo Haweenka Tahriibka ah loogu geysto Xadka
Sacuudiga! iyo yamntaXog qarsoodi ah oo laga diyaariyey -
Dadka
Soomaaliyeed badankood, markii la soo hadal-qaado Tahriib iyo Socdaallo
qarda-jeex ah, oo aan sharci ku dhisneyn, waxay durba soo xusuustaan Tahriibka
xaga Badda ah, ee ay Soomaalidu ku le'daan, siiba Badda u dhexeysa Yemen iyo
Soomaaliya. Tahriibkaas oo sannadkiiba galaafta nolosha Qaxooti 5000 ah oo u
badan Soomaali.
Markii
la xuso erayga Tacaddi, xad-gudub iyo waxyeello ka baxsan Aadaminimada, oo loo
geysanayo dad tahriibaya, waxaa naga soo hor-muuqanaya dadka la socda Doonyaha
tahriibka ee lagu daadiyo badweynta aan laga soo dabbaalan karayn.
Laakin,
waxay Soomalida badankood ka war la' yihiin Tahriibka Muhaajiriinta isaga
tallaaba xadka u dhexeeya labada dal ee Yemen iyo Sacuudiga iyo Tacaddiyada
halkaas loogu geysto gabdhaha Soomaaliyeed, inta lagu guda-jiro socdaalkaas.
Kuwa
badan oo ka mid ah Soomaalida deggan gudaha Sacuudiga iyo xitaa dalal
kale,waxay u soo gacan-haadiyaan eheladooda Qaxootiga ku ah Yemen, waxayna
dhaqaale ahaan uga caawiyaan sidii dadkaas ay ugu soo tahriibi lahaayeen xagga
Sacuudiga, una soo ishaafalateyn lahaayeen.
Hase yeeshee, waxayan ogeyn in dadka soo
gelaya Socdaalka mashaqeysan ee tahriibka ahi, siiba Haweenku, in ay adag tahay
in ay u soo gudbaan dhanka Boqortooyada,
iyagoo ka bad-qaba Tacaddi (Fara-xumeyn) ku qabsaneysa meelo dhexda ah.
Docda kale, boqollaal Haween Soomaaliyeed oo
dhegaha un ka maqlay Sacuudiga iyo Riyaalaadka lacageed ee laga xoogsado, ayaa
ka war-la' Tacaddiga haweeneed ee ka jira agagaarka marinnada laga duso
qaarkood ee ku yaalla xadka labada dal,
hareeraha fariisinnada ciidamada ilaaliya xuduudaha, dhulka lama-degaanka ah
iwm. Halkaas oo ay ku sugan yihiin dhallinyaro carbeed oo 'allow-sahal' ah,
siiba marka ay isha ku dhiftaan Haween iska yaacaya, si fiican aan u aqoon
luqadda Carabiga, aan lahayn hoggaan rag ah, indha-xiran, mar-dhoof ah, ku jira
da'dii ugu fiicnayd
haweenka
(18-40), aanan ku socon sharci, cid looga baqayaana aaney jirin…!!
Dhallinyaro
doobab ah, turuqyo waaweyn, oo ku sugan meelaha xuduudda ah, ayaa iska hela
luqmad gabdho Soomaaliyeed ah oo isku toos-toosan(qurxoon) oo bilaash ah,
welibana codka hoos u dhigaya(baqaya). Markaas ayay arrintu noqotaa 'Ragow Wan
baa qalan' ,ama sida looga shirbo deegaanno ku yaalla Jiinka
webiyada:-"Fuut Abeeso waa kane, ninkii fadoow, Fartaa gashooy..!!".
Xogag
isa soo taraya, oo aan in badan iska dhega-tirayay, haatanse aanan ka aamusi
karayn, ayaa sheegaya: In Gabdhaha tahriibka ah, ee sida sharci-darrida ah
keligood ama koox-koox ugu socda Sacuudiga, in qaarkood dhexda loogu geysto
Tacaddiyo (fara-xumeyn), lagana fara-qabsado, balse ayan sheegayn oo qarsadaan ceebahooda,
illayn waa haweene.
Ma jiro gaari tahriib wada oo toos uga gudbi
karaya marinnada labada dal u dhexeeya. Waa Socdaal dhuumaaleysi ah, oo dhexda
lagu sii dhaxaya habeenno, marba Deegaan Suuq-madow ah la dejinayo Haweenka,
uga dambayntana ay suuragal tahay in isla qaabkaas ay ku gaaraan Degmooyinka
Sacuudiga ee waaweyn, sida Jidda. Waxay ku qasbanaadaan Haweenku in ay
is-naban, qarsadaanna dhibkooda, maadama
ay ku socdaan qaab sharci-darro ah.
Gabar Soomaaliyeed oo Tahriib ku gashay Jidda,
ayaa qadka telefoonka ugu soo warrameysay Abtigeed oo jooga Sanca oo ay
aqalkiisa ka socdaashay markii hore,waxayna tiri gabadhu: "Abti Alla
mahaddiis, waan gaarnay oo waa joognaa Jidda".
Laakin
gabar kale oo la socotay taas, ayaa kala wareegtay hadalka oo tibaaxday:
"Waa runteed heblaayo, oo waa joognaa Jidda, laakin Abtiyow, dhexda ayaa
na lagu soo helay, oo xagga hoose kama faya-qabno!!
By
wariye ;- cawaale cabdi cumar
No comments:
Post a Comment